Ballaadhinta Dugsiga Abaarso ee Maaligelinayso USAID


Abaarso School of Science and Technology iyo Sanduuqa Horumarinta Tacliinta Geeska Afrika (HED) ee aan macaash doonka ahayn, ayaa maanta iclaaminaya heshiis taariikhi ah oo ay la galeen Xafiiska USAID u qaabbilsan Dugsiyada iyo Cusibtaallada Debedda dalka Maraykanka ku yaal (ASHA).

Jonathan Starr, aasaasaha iyo Maamulaha Abaarso ayaa yidhi,

Waxa aannu aad ugu faraxsan nahay in ASHA maalgelinayso korriimada Dugsiga Abaarso, oo gallad baannu u haynaa dhammaan ciddii wadajir ku suurtageliyay. Heshiiskan USAID waxay bixinaysaa ballaadhinta dugsiga Abaarso si uu ugu adeego 250 arday inay ka faa’iidaystaan sannad kasta. Mashruucan oo ku jiraan dhisme fasallo, guryo jiifaf, aqallo shaqaaleh, shaybaadh kumbuyuutar, shaybaadh taablet, iyo qol weyn. Deeqda ASHA, arday Somaliyeed oo badan ayaa kaga faa’iidaysan doonta waxbarashada dugsiga Abaarso.

Anand Desai, Guddoomiyaha HED, baa ku daray,

HED iyo ashkhaas deeq bixiyeyaal gaar ah oo Maraykan ah baa hoggaaminayay maalgelinta dugsiga Abaarso ilaa bilawgii. Deeqdan. ASHA waa tusaaleh kale oo muujinaya sida aannu isugu xilqaamaynno guulaysiga Abaarso. In kasta oo Abaarso yahay waqtiga xaadirka ah mashruucayaga keli ah ee Somaliland, waxa aannu gorfaynaynaa siyaalo lagu gaadhsiiyo hirar ka shisheeya heerkan hadda ee dugsiga dhexe iyo dugsi sare ah.

Agaasimaha ASHA, Katherine Crawford, baa xustay,

Waxbaridda dhallinyarada Soomaaliyeed waa daruuri si looga curiyo shaqooyin iyo korriimo gobol ka mid ah kuwa dhaqaalahoodu ugu liito adduunka. Abaarso wuxu u fidinayaa tacliin yaableh fursado dhaqaale aan la malayn karin da’aha mustaqbalka ee Soomaaliya ASHA na waa ku faanaysaa maalgelinta ballaadhinta dugsiga.

Wasiirka Arrimaha Debedda ee Somaliland Maxamad B. Yonis baa ku daray,

Abaarso waa tusaaleh muujinaya wadashaqaynta reer Somaliland iyo Maraykanka si loo abuuro dugsi imikaba noqday dugsiyada Afrika ugu sarreeya midkood. Somaliland baa USAID ku soo dhowaynaysa shuraakadan. Tan oo calaamadinaysa tallaabo wax ku ool ah ah oo ay wadajir u qaadayaan labadeenna dad.

Abaarso School of Science and Technology waa dugsi dhexe iyo sare oo aan macaashdoon ahayn oo gardaadinaya horumarka tacliimeed, aqoonyahannimada, iyo dhismaha qiyamta shakhsiyeed ee gabdhaha iyo wiilasha rajada ifaysa leh, si ay horumar raandhiisleh iyo anshax suubban ugu biiriyaan korriimada bulshadooda.

Barnaamijka Dugsiyada iyo Cusbitaallada Debedda ee Ameerika (ASHA) ayaa siiya taageero dugsiyada, maktabadaha, rugaha caafimaad ee ka baxsan dalka Maraykanka ee u adeega hab rugo daraasadeed iyo bandhig fikradaha Ameerika iyo caadooyinkooda laga dheehan karo. Tan iyo asaaskeedii, sannadkii 1947kii, ASHA waxay taageertay 272 hay’adood oo 79 waddan ku kala baahsan.

,